Gedonews Media Network

HEAR FROM US TRUSTED SOMALI AND INT’L NEWS (GMN) YOUR NEWS BRAND

CAQLIGA FAYOW HA SHAQEYO MAR WALBA by:azhari

Posted by gedonet on January 12, 2009

SEATTLE ,WASHINGTON (GMN):salaan ka dib waxaan jeclahay in aan wax yar tacliiq yar ka bixiyo maqaalka qiimaha badan ee uu inoo soo gudbiyay cabdi daahir xassan cabdi yare runtii inta aan arkay ama aan maqlayay waayadan danbe siyaasiyiinta mareexaan ee ka hadasha arimaha siyaasadda ama masiirka beesha sade ma aanan arag nin ka maskax iyo aragti dheer mr.cabdi yare runtii oo inta badan dadka wax ka tusaaleeyo meelo fog waxaan jeclaan lahaa in aan oogu hanbalyeeyo cabdi yare  in beesha sade meel kasta oo ay joogto ay aad oola dhacsanyihiin figradihiisa ku aadan arimaha siyaasadda iyo daryeelka beesha.
 
taasi hadii aan halkaa ooga gudbo waxaan jeclaan lahaa in aan maqaalkaan ku faahfaahiyo su,aasha ah meeqa siyaasadood ayaa ka jira somalia iyo beesha sade kaalin noocee ah ayay kaga jirtaa masraxa siyaasadda somalia? 
 
1-runtii su,aasha ah meeqa siyaasadood ayaa ka jirta somalia waxaan oran karaa waxaa somalia ka jiro siyaasado badan oo iska soo wada horjeedo oo aysan jirin mid mid ogol run ahaantiina hadii qaar la tilmaamo qaar kale ayaa laga tagi taasina waxay ku tusinaysaa sida ay u tirada badanyihiin ururada siyaasadeed ee somalia ka jiro waana nasiib darrada ku dhacday umadda somaaliyeed laakiin waxaan jeclaan laha in aan wax ka tilmaamo qaybaha ay beesha sade lugta ku leedahay iyo mid kastaa dawrka ay ku leedahay.
  1-T.F.G.da– beesha sade tfg da waxay ku leedahay 14 xildhibaan marka laga eego dhanka tirada 14 xildhibaan oo hal beel ka soo jeedo ma ahan tiro yar laakiin marka laga eego xagga tayada xildhibaanada u matala beesha sade T.f.Gda waa kuwa oogu afgaaban oo ma hadlaan.waa kuwa oogu aqoonta xun oo kuma jiro hal nin oo aqoon yahan ah .waxay ka mid yihiin kuwa aan hadalkooda la maqlin oo hadalkooda ka soo qaad maleh. run ahaantii waxaan dhihi karaa beesha sade dawladda fadaraalka dhaxdeeda waxay ka tahay beel aan wax qiimo ah dhaxdeeda kulahayn !!!!!!
 
2- maxkamadaha qaybta asmara.  beesha sade wax xubno ah oo muuqda kuma lahan ugaas maxamed wali waa ninka kaliye ee ka soo jeedo beesha oo ka dhax muqdaa kooxda asmara isagana waxaa laga yaabaa in uusan soo galin 100ka oogu horeeya ninka 101aad in uu noqda waa laga yaabaa sidaas darteed dhanka asmara waxaba nagama jieraan.

3-maxkamadaha qaybta jabuuti.kaba daran iska daa in ay xubno ku leeyihiine xitaa magaca sade waligood laguma soo dhex qaadin ex-xildhibaan sharmarke gaanni hadii uu hadda inoogu biirayo ma sheegin 
4-maxkamadaha qaybta la baxday kanbooniyiin oo uu hassan turki hogaamiyo.beesha sade waxay ku leedahay askar loo diro in ay laayaan aqoonyahankooda dhaawacoodana dhamaystiro meel kaste oo dagan oo ka mid ah meelaha ay dagto beesha qalalaaso ka rido.
5-alshabaab.sidoo kale beesha sade kuma lahan alshabaab hogaan sare oo muqdo laakiin waxaa jira dhalinyaro aad u badan oo ka soo jeedo beesha sade oo ku jira al shabaab dhalintaas go,aanka waxba kuma leh awaamir unbay sugaan!!!!!!!!!

6-jabha al islaamiya oo ah {ex al itixaad}. qoladaan mugdi badan ayaa ku jira oo lama yaqaan qiyaadada u sarayso laakiin waxaan filayaa in ay ku jiraan qiyaadada sare rag ka mid ah beesha sade balse ma hubo.
7-kooxda khaalid bin al walid. hogaankeeda sare waxaa majaraha u hayo rag ka soo jeedo beesha sade balse ma haysato taageerada beesha iyo mida umadda soomaaliyed midna kooxdan iyaga oo ka mid ah kooxaha islaamiyiinta ah hadana ma garanayo sababta ay ku kasban wayday taageerada umadda soomaaliyeed waxaa laga yaabaa in ay tahay in ay majaraha u hayaan rag ka soo jeeda beesha sade.
8-kooxda la baxday jubooyinka. oo uu horkacayo barre hiiraale isagaa afkiisa ka qirtay in uu u shaqeeyo qolooyin kale waloow aan anigu u malaynayo in uu naftiisa oo kaliya u shaqaysanayo hadana beesha sade bari ayay ka tahay waxa uu wado oo uu cadawgii ilaahay iyo kii islaamkaba uu muslimiinta raba in uu ku xasuuqo . waxaa la yiri shinbir marbay dab qaaday markina buulkeeday ku dhajisay hadda barre  meeshii caqli uu keeni lahaa ayuu yiri kaalaya itoobiyaay gedo aan ku duulnee itoobiya oo aad ogtihiin in ay tahay waxa sidan inoo galay ka dib markuu cumar xaaji nagu soo hogaamiyay oo uu nagu xasuuqay meesha aan hadda naalnana ay na dhigeen cumar iyo itoobiya iyo waliba aayo ka tashi la,aanteenna…………………………………
 
 hadaba hadii uu xaal saas yahay oo aan masraxa siyaasadda somalia aynu halkaa ka taaganahay su,aasha is waydiiinta mudan ayaa waxay tahay maxaa inoo dan ah? xagee wax ka khaldanyihiin hogaanka mise shacabka? ma jiraan cid diyaar u ah badbaadinta shacabwaynaha reer sade? dhamaan su,aalahaas jawaabahooda waxay u taalaa indheer garadka aqoonyahanka  iyo cid kastaa oo doonayso in la badbaadiyo shacabwaynaha reer sade….
 
 fadlan waxii figrad  ama ra,yi ah waxad iigu soo hagaajin kartaa  azhari_2004@hotmail.com ama haadi100@hotmail.com
   waa walaakiin: hassan ibrahim hussein{hassan azhari}

wabillahi al tawfiiq wasalaamullahi calaykum

GEDO NEWS

SEATTLE ,WA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: