Gedonews Media Network

HEAR FROM US TRUSTED SOMALI AND INT’L NEWS (GMN) YOUR NEWS BRAND

Wax garad ku suga Gobolka Gedo oo ku hoowlan Hakinta xiisado colaadeed oo ka taagan gobalkaasi.

Posted by gedonet on December 29, 2007

GEDONEWS MEDIA CENTER Bardhere:ergo nabad raadin ah oo shalay ka ambabaxay magaalada Baardheere ayaa xalay waxaa ay gaareen deeganada garileey iyo daara salaam oo ka wada tirsan gobalka Gedo si ay u hakiyaan xiisado ka aloosanaa labadii maalin ee ugu danbeeyay.

Ergadan ayaa isugu jira odayaal dhaqameed, nabadoono,maamul,saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan deegaanka waxaana ay gaarayan ilaa 9 xubnood oo si weeyn looga qadariyo deegaanada ay ku baxeen.

Xaladahan colaadeed ee ka soo cusboonaaday deeganadaasi ayaa ka danbeeysay kadib markii ay ku soo bateen maleeshiyooyin aan cidi ka amar qaadan oo dhibaatooyin kala duwan ku haya gaadiidka iyo dadka taasoo sababta dhimasho iyo dhaawac soo gaara dadka rayidka ah.

Falkii ugu danbeeyay ee ay geeysteen maleeshiyooyinkaasi waxaa maalinimadii doraad deegaanka daara salaam ee isla gobolka Gedo uu ugu geeriyooday 2 ruux halka 3 kale uu dhaawac culusi uu ka soogaaray kadib markii maleeshiyooyinkaasi iyo ilaalada gaari waday qaad ay rasaas isku weeydaarsadeen bartamaha deegaankasi taasoo ayan jirin cid loo qabtay dilka dadkaasi.

Col:Cabdi Bare Cabdi oo ka mida masuuliyiinta hor keceeysay ergada nabadeed ee ka timid degmadad Baardheere ayaa GEDONEWS U sheegay in muhiimada ay u tageen deegaanadaasiin ay la xitiirto sidii ay u damin lahaayeen xiisadaha Colaadeed ee ka taagan deegaanda Garileey iyo Daara salaam iyo weliba siidii loo qaadi lahaa jidgooyooyinka faraha badan ee loo dhiganayo gaadiidka soo gala kana baxa deegaandasi.

Col :ayaa intaa ku daray in kulamo iyo wada xaajood ay kula jiraan odayaasha iyo waxgaradka deegaanadaasi sidii loo soo qaban lahaa kooxaha dhibaatada ka wada deegaanada.

Todobaadyadii laga soo gudbay ayaa waxaa soo baxayay cabashoyin ka soo yeeray Gaadiidleeyda iyo ganacsatada qaadka keenta deegaanadaasi oo la xirirta maleeshiyooyin fariisimo ka sameeystay deegaanadaasi oo laba jibaaray lacagihii ay ka qaadayeen.

SALAD XASAN CALI

GEDONEWS BAARDHEERE

xnuur111@yahoo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: