Gedonews Media Network

HEAR FROM US TRUSTED SOMALI AND INT’L NEWS (GMN) YOUR NEWS BRAND

Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay qarax bam iyo tacshiirad goor dhoweyd ka dhacday bartamaha Suuq-bacaad

Posted by gedonet on December 29, 2007

GEDO MEDIA NEWS Muqdisho 29 Dec 07:Hal ruux oo rayid ah ayaa inta la ogyahay ku dhintay labo kalena wey ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya, ka dib qarax xooggan oo gaari ay la socdeen ciidamaadaasi lagula beegsaday duhurnimadii maanta bartamaha Suuqa loo yaqaano Suuq bacaad oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo loo adegasaday bam gacmeed ayaa lagu soo waramayaa iney ka dambeeyeen dhalinyaro ka baxsatay goobtaasi, iyadoo illaa haddana aan la soo sheegin wax qasaare ah oo ka soo gaaray ciidamadii saarnaa gaarigaasi ee lala beegsaday, waxaana qaraxaasi iyo tacshiirada ka dambeysay ay keeneen inuu xirmo muddo kooban ganacsigii iyo dhaqdhaqaqii dadka ee ka jiray qeybo ka mid ah suuq bacaad, ka dib markii ay dadku ka kala carareen goobtaasi, iyagoo kla baqayey iney waxyeelo ka soo gaarto hubka halkaasi ka dhacayey.

Qofka dhintay iyo labada dhaawaca ah ee ay haleeshay rasaastii ay fureen ciidamada dowladda federaalka qaraxa ka dib ayaa la sheegay iney ka mid ahaayeen dadkii suuqaasi ka dukaameysanayey, kuwaasoo goobta ay ka qaadeen dad sida muuqata bar garanaya, waxaana goobtaasi isaga dhaqaaqay markii dambe ciidamada DF, waxaana qaraxan lala beegsaday ciidamada uu qeyb ka yahay qaraxyo iyo weeraro isdaba jooga ah oo lagu hayey mudooyinkan dambe ciidamada iyo mas’uuliyiinta DF iyo kuwa Itoobiya, waxaana qaraxan uu ku soo beegmay xilli saaka miino dhulka lagu aasay lagu qarxiyey afhayeenka maamulka gobolka Banaadir kaasoo markii dambe ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska warqabadka GEDONEWS muqdish

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: