Mowliid Macaane “Col: Yuusuf wuxuu yiri Jareerweyne Somali ma ahan”
Posted by gedonet on January 6, 2008
Waiirkii hore ee dhallinyaradda iyo isboortiga Mowliid Macaane oo xalay wareysi siiyey Idaacadda HornAfrik ayaa eed kulul u soo jeediyey madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo uu ku eedeeyey in uu yasmo iyo xaqiraada ku wada beesha Jareerweyne oo ku tilmaamay beel aan Soomaali aheyn oo shisheeye ah.
Xildibaan Mowliid Macaane ayaa sheegay in dhawaan isaga iyo rag wasiiro iyo xildhibaanno ah ay salaan ugu tageen madaxweynaha, markaasi kadib sida uu xusay Mowliid Macaane Col. Yuusuf uu ku yiri, isagoo salaan uu salaamay ka qaadayo ”Jareerweyne Somali ma ahan, ee waa Zinzinbarian”. ayuu qeexay Mowliid Macaane in hadalkaasi uu ku yiri Col. C/laahi Yuusuf mar isaga iyo rag ka tirsan dowladda ay ku booqdeen madaxtooyada Baydhabo.
Mar la weydiiyey Mowliid Macaane sida hadalkan looga rumeysan kara in uu ka soo yeeray madaxweynaha iyo in uu Mr Mowliid u oranaya sidan kadib markii uu iska dhex waayey liiska golaha wasiiradda ayaa waxaa xusay in ay marag u yihiin ammuurtan mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiirkii gaashaandhigga C/risaaq Isaaq Biixi, Maxamed Ibaarin Xaabsade, wasiirka gaadiidka circa iyo dhulka iyo rag kale.
Mowliid Macaane ayaa sheegay in beeshiisa Jareerweyne aysan ku qanacsaneyn xubnaha laga siiyey golaha wasiiradda, isagoo meel kasta oo ay waxgaradka beesha ku sugan tahay ugu baaqay in aysan aqbalin waxa ay soo dhoodhoobeen C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde waa sida hadalka uu u dhigaye.
Wasiirkii hore ee dhallinyarradda iyo isboortiga dowladda KMG ah Xildhibaan Mowliid Macaane ayaa xilkiisa golahan cusub ee wasiiradda waxaa looga magacaabay Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo kamid ah milkiilayaasha raadiyaha madaxa banana ee HornAfrik.
ISHA WARARKA SOMALIA
GEDONEWS